Injineero ku dhintay iyaga oo tijaabinaya aalad ka mid ah hubka Nuclear-ka oo lagu aasay Ruushka

Kumanaan ruux ayaa ka qeyb galay aaska shan Injineer oo bartay cilmiga Nuclear-ka kuwaasi oo ku dhintay qarax xoogan xilli ay tijaabinayeen mid ka mid ah matoorada quwada ee hubka wax Gumaada.


Injineerada ayaa isniintii shalay lagu aasay magaalada Sarov, halkaasi oo ay ku taal warshada ugu weyn ee cilmi baarista Nuclear-ka ee dalka Ruushka.

Shaqaalaha xarunta oo qiyaastii 370 kiilo mitir dhanka bari kaga beegan magaalada Moscow ayaa qeyb ka mid ah calanka hoos u dhigay intii ay socotay munaasabada aaska loogu sameynayay Injineeradan.

Magaalada Sarov ayaa aheyd tan iyo sanadkii 1940-kii xarunta ugu weyn ee lagu sameeyo hubka Nuclear-ka ee dalka Ruushka.

Wasaarada difaaca ayaa horay u sheegtay in qarax ka dhacay intii lagu guda jiray tijaabada mid ka mid ah matoorada hubka Nuclear-ka ay ku dhinteen laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Badda halka lix kale uu dhaawac ka soo Gaaray.


Balse todobaad dhamaadkii hore ayaa xarunta tamarta hubka Nuclear-ka ee Rosatom waxay sheegtay in qaraxaan ay ku shan ka mid ah Injineeradeeda, halka sadex kale ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo la Dabiibayo.


Shirkadaan ayaa dhanka kale sheegtay in Injineerada ay ku dhinteen gudaha Badda iyaga oo ku guda jira tijaabada kadib markii uu qaraxa Dhacay.


Ilaa iyo hada lama oga waxa sababay iyadoo arintaan ay keentay shakiga laga qabo barnaamijka hubka Nuclear-ka.

Alexei Likhachev oo ah agaasimaha hey,ada Nuclear-ka ruushka ayaa ku tilmaamay geesiyaal qaran Injineerada Geeriyooday.

Faallooyin