Liiska Baarlamaanka cusub ee Jubbaland oo lagu Dhawaaqay

Gudiga doorashada madaxa banaan ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay liiska xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Labaad.


Kadib war saxaafadeed goor dhow ay baahiyeen ayaa waxaa lagu shaaciyay 73 xubnood oo baarlamaanka dowlad Deegaankaasi.

Dhanka kale mas,uuliyiinta gudiga ayaa sheegay in laba ka mid ah xubnahaan ku dhawaaqistooda ay dib ugu dhacday cilad Farsamo.

Si kastaba ha ahaatee xubnaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ka dhexmuuqda wajiyo Cusub.

Gudiga ayaa dhanka kale sheegay in odayaasha dhaqan ay ku mashquul sanaayeen soo xulista xubnahaan 20-kii cisho ee la soo Dhaafay.

Ugu danbeyn xubnaha cusub ayay gudiga doorashada tibaaxeen in xubnahaan ay matalaan dhamaan beelaha dega ismaamulkaan oo lagu qeybsaday hanaanka ah 4 beel iyo Bar.

Faallooyin