Madaxda Muslimiinta ee ka soo jeeda gobolka xeebta Kenya oo lagu eedeeyay ka Ganacsiga Daroogada

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in uu jiro xiriir cad oo ka dhaxeeya weeraro loo adeegsaday mindiyo oo dad aan waxba galabsan lagu waxyeeleeyay oo ka dhacay magaalada Mombasa iyo kooxaha ka ganacsada Daroogada.


Wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka Fred Matiangi, ayaa sheegay in 13 ruux oo lagu dhaawacay habeenimadii isniinta ay muujineyso dhibaatada baaxad leh in ay ka Jirto gobolka xeebta Kenya.


Mr Matiangi ayaa dhanka kale digniin u jeediyay kooxaha burcadka waxaana uu tilmaamay in waqtigooda uu soo afjaramayo.


Isaga oo sii hadlayay ayaa waxuu sheegay ay ka warqabtaan in hogaamiye yaasha siyaasada ay isku dayayaan kicinta dhalinyarada ayna jiraan shaqsiyaad isku xiran oo ka shaqeynaya Arintaan.

Matiangi ayaa sheegay in uu hubo in Kenyanka aysan rabin in ay maqlaan falal la xiriira dhibaatada ceynkani, xilli uu booqasho ku tagay magaalada Mombasa.

Kadib hadal uu ka jeediyay kulan looga hadlay nabada oo ay ka soo qeyb galeen gudiga nabedgelyada gobolka xeebta Kenya iyo hogaamiye yaasha aagaasi, ayaa waxuu balan qaaday in ay ka taqalusi doonto dhamaan shabakadaha ku lugta leh falal Danbiyeedyada.

Dhanka kale booliska Mombasa ayaa sheegay in gacanta ay ku hayaan 11 ka mid ah 13 dhalinyo oo lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen weerarkii Mombasa.

Faallooyin