Dood cilmiyadeed ku aadan hormarka dalka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Aqoon is weydaarsi ay soo qaban qaabisay madasha 'Kulan Forum' kuna saabsanaa Dhallinyarada iyo danta guud oo afka qalaad loogu (Youth and Public Interest) ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee Hotel ka Badar ee magaalada Muqdisho.


Kulanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waxaa ka qeyb galay dhalinyarada aqoonyahanada ah ee ku dhaqan gobolada dalka kuwaasi oo daneynaya helida bulsho Madni Ah.


Qodobada laga dooday ayaa waxaa ka mid ahaa arimaha amniga, dhaqanka, cadaalada,iyo ilaalinta Nadaafada iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah Bulshada.

Dhamaan dhalinyaradii madasha ka hadashay ayaa sheegay in loo baahan yahay helida dhalinyaro la xisaabtanta mas,uuliyiinta dalka si loo ogaado waxyaabaha ay dalka ka Qabanayaan.


Ugu danbeyn kulanka ayaa goor dhow ku soo dhamaaday jawi deggen waxaana la iskula dardaarmay in la sii wado kulamada ceynkani oo kale oo danta u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Faallooyin