Bulshada Kismaayo oo walaac ka muujiyay qilaafka u dhaxeeya Dowlada iyo maamulka Jubbaland

Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee hoos yimaada Jubbaland ayaa walaac ka muujiyay qilaafka u dhaxeeya dowlada dhexe iyo mas,uuliyiinta Maamulkaasi.


Qaar ka mid ah buslahada Kismaayo oo u waramay Universal ayaa sheegay in arintaan ay saameyn ku yeelan karto hadii aan la xalin, dhanka amniga iyo dagaalka lagula jiro ururka Al-Shabaab oo wali maamula inta badan deegaanada Jubbaland.


Dowlada dalka ee uu hogaamiye madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka dhaxeeyay qilaaf xoogan oo keenay in maamulka Jubbaland uu xiriirka u jaro Dowlada.


Mr Madoobe ayaa ku eedeeyay xukuumada muqdisho in galaangal xoogan ay ugu jirto in xilka ay ka tuurto si la mid ah madaxdii horay uga arimin jirtay ismaamulada koonfur Galbeed Puntland iyo Gal-mudug.

Faallooyin