Shacabka dalka oo maalintii labaad ku guda jira damaashaadka Ciida Weyn

Waxaa maalintii labaad laga dareemayaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo gobolada dalka, dabaal dega munaasabada ciida weyn ee Ciidul Adxaa.


Shacab u badan dhalinyaro oo isla socda ayaa waxaa lagu arkayaa goobaha lagu nasto iyo hoteelada waaweyn ee ku yaal magaalada Muqdisho kuwaasi oo isla galaya Sawiro iyo cunida waxyaabaha macmacaanka ah.


Si la mid ah dabaaldegaan ayaa wali ka jira magaalooyinka waaweyn ee ku yaal gobolada dalka, sida ay soo tabiyeen wakiil wareedyada Universal.


Dhanka kale hey,adaha caawiya dad tabaaleysan oo ay dhidibada u taageen shaqsiyaad muslimiin ah oo u dhashay gudaha iyo dalalka carbeed ayaa deeq kala duwan uu badan xoolo ka qeybinaya 24 saac ee la soo Dhaafay.

Faallooyin