Hey,adaha u dooda xuquuqda Aadanaha oo walaac ka muujiyay xayiraada saaran gobolka Kashmiir

Hey,ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay Mareykanka ayaa walaac ka muujisay xayiraada dhanka Isgaarsiinta ah ee saaran shacabka ku dhaqan ismaamulka Kashmiir ee Hindiya Maamusho.


Waxay xaq u leeyihiin in ay helaan wax waliba oo xuquuqdooda ah iyada oo la ixtiraamayo shacabka Kashmiir, si ay ula xiriiraan ehelkooda iyo in ay helaan waxyaabaha daruuriga u ah nolosha sida daryeelka caafimaadka, balse taasi ma muuqato, sidaasi waxaa sheegtay agaasimaha hey,ada xuquuqda aadanaha ee koonfurta Aasiya Meenakshi Ganguly.


Tani ma aha xal sii jir kara hadii dowlada Hindiya ay go,aansatay in xanibaad ay saartay Kashmiir, waa in ay hubisaa in shacabka ay sidaan ku noolaan Karaan ayay raacisay Hadalkeeda.

Dhanka kale ku dhowaad 300 oo ka soo jeeda gobolka Kashmiir una ololeeya arimaha bulshada oo ku sugan magaalada New Delhi ayaa sheegay in wali aysan u suura galin la xiriirka Ehelkooda.

Bandowga saaran gobolka Kashmiir ayaa waxuu madaxa la galay todobaadkii labaad kadib digniin ay soo saartay laanta muqaabaraadka hindiya oo la xiriira weeraro Argagixiso.

Shabnam Hashmi oo ku sugan caasimada Hindiya ayaa tilmaamay in uusan awoodin la hadalka Qoyskiisa maadama uu wali xayiran yahay adeega Isgaarsiinta.

Faallooyin