Xuutiyiinta Yemen oo duqeyn diyaaradeed ka geestay gudaha Sacuudiga

Dagaal-yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar diyaaradeed ku qaaday madaarka gobolka Isiir ee dhaca gobolka Koonfur galbeed ee Sacuudiga.


Janaraal Yaxye Saree oo ah afhayeenka xuutiyiinta oo la hadlay warbaahinta Al-Masiirah ayaa sheegay in diyaaradahooda ay u suura gashay in ay duqeeyaan xarunta keydka shidaalka ee garoonka Abha.


Dhanka kale wuxuu tilmaamay in laba mar oo xiriir ay saacado gudahood ay duqeynta ay ku Guuleysteen.

Si kastaba ha ahaatee duqeynta loo adeegsaday diyaaradaha Drone-ka ayaa waxay hakad galiyeen howlihii madaarka Abha.

Yaxye Saree ayaa sheegay in duqeyntaan ay kaga jawaabayaan tacadiyada uu sheegay in sacuudiga uu ku hayo dalka Yemen.

Faallooyin