Xubno ka tirsan shaqaalaha qaramada midoobay oo lagu dilay qarax ka dhacay bariga Liibiya

Laba ka mid shaqaalaha qaramada midoobay ayaa ku dhintay qarax gaari lagu soo xiray oo ka dhacay magaalada Benghai ee bariga Liibiya.


Qaraxa ayaa ka dhacay sabtida maanta agagaarka suuq laga dukaameesto oo ku yaal degmada Al-Hawari xilli gawaarida qaramada midoobay ay wadada Marayeen.


Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas,uuliyada qaraxaan lagu dilay shaqaalaha qaramada Midoobay.

Afhayeenka maleeshiyada ku sugan bariga Liibiya Axmed Mismaari ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in toban ruux ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ay ku jiraan Caruur.


Dhanka kale Janaraal Khaliifa Haftar ayaa ku dhawaaqay in howlgal lagu xaqiijinayo amniga inta lagu gudo jiro maalmaha Ciida.

.

Faallooyin