Aaayatulaahi cali Khumeyni oo ku baaqay in laga hortago xadgudubka Mareykanka ku hayo Caalamka

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraa ayatullah cali Khumeyni ayaa ku eedeyay dowlada Mareykanka in ay geysato dhibaatooyin ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana uu ugu baaqay qof waliba in uu caawinaad ka geesto sidii looga adkaan Lahaa.

Mr Khumeyni ayaa tilmaamay in ay ku casuumi doonaan dowladaha caalamka, sidii hor istaag loogu sameyn lahaa danbiyada ka dhanka ah xuquuqda Aadanaha.

Kadib fariin sanadle ah oo sanad waliba uu diro xiliga Xajka ayaa waxuu sheegay in dhibaatada heysata Falastiin uu qeyb ka yahay Mareykanka.

Aayatulaahi cali Khumeyni ayaa dhanka kale sheegay in Falastiin ay tahay muhiimada koowaad oo Iiraan ay u casuumi doonto wadamada caalamka si loo Xaliyo.

Faallooyin