Dowlada Pakistaan oo rajo ka muujisay in Iiraan ay qeyb ka qaadan doonto xalinta qilaafka ka taagan Kashmiir

Dowlada Pakistan ayaa wadamada beesha caalamka iyo dowlada Iiraan ugu baaqday in ay caawinaad ka geestaan xal ka gaarida muran ka ka taagan gobolka Kashmiir.

Baaqa Pakistaan ayaa ku soo aadaya iyadoo meel xun u marayo qilaafka u dhaxeeya Islamabad iyo Delhi.

Kadib qadka Teleefanka oo wadahadal ku dhexmaray Sabtida maanta gudoomiyaha Baarlamaanka Pakistan Asad Qeysar iyo dhiggiisa Iiran Cali Larjani ayaa waxay isdhaafsadeen fikir la xiriira qaabka lagu xalin karo dhibaatada lagu hayo shacabka muslimiinta Himalayan.

Mr Qeysar ayaa rajo ka muujiyay in Iiraan ay dadaal u gali doonto xalinta dhibaatada ka taagan gobolka Kashmiir.


Dhanka kale wuxuu cadeeyay in Islamabad si saaxiibtinimo iyo walaalnimo ku dheehan ay marwalbo Tehraan ay kala tashan doonaan xaalada Kashmiir.

Docda kale mr Larjani ayaa sheegay in loo baahan yahay in xaalada Kashmiir loo xaliyo qaab Diblumaasiyadeed.

Faallooyin