Dibadbaxyo waaweyn oo lagu dalbanayo doorasho xor ah oo ka dhacay magaalada Moscow

Tobanaan kun oo ruux ayaa dibadbax xoogan oo lagu dalbanayo doorasho xor isugu soo baxay magaalada caasimada ah ee Moscow ee dalka Ruushka Sabtida Maanta.


Dibadbaxayaasha ayaa isugu yimid bartamaha wadada weyn ee marospekt Andreya Sakharova waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku dalbanayaan doorasho Cadaalad Ah.


Dibadbaxaan ayaa noqonaya kii afaraad kaasi oo todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacay dalka Ruushka.


Qaar ka mid dhalinyarada ayaa ku dhawaaqayay waxaan dooneynaa xaqeena, intaan ayaa noogu filan beenta aad noo sheegteen, halka kuwa kale ay watay boorar ay ku sawiran yihiin xubno ka mid ah mucaaradka oo dowlada Ruushka u Xiran.

Irina Dargolts oo ah 60 jir Injineer ah ayaa sheegtay in cadaalad darro ay tahay in loo ogolaan waayo xulashadooda, iyo in la xiro dadka dhigaya dibadbaxyda Nabadeed.


Todobaadkii hore ayey aheyd markii 1,000 ruux lagu xiray dibadbaxyo ka dhacay caasimada Moscow.

Faallooyin