Tirada dadkii ku dhintay booyad shidaal oo ku qaraxday Tanzania oo Korortay

Waxaa sii kordhay qasaaraha ka dhashay gaari booyad ah oo maanta ku rogmatay gudaha dalka Tanzania oo ay ka dhalatay qarax Xoogan.


Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dad qaba dhaawacyada oo qaarkood si xun u gubtay ay Dhinteen.

Mashaqadaan ayaa ka dhacday sabtida maanta ah duleedka magaalada Morogoro, oo qiyaastii 200 oo kiilo mitir dhanka galbeed uga beegan caasimada Daaru Salaam.

Dadka ku dhintay ayaa u badnaa gaadiidley iyo rag wata mootooyin kuwaasi oo doonayay in ay booyada rogmatay ay shidaal ka Qaataan.

Dhacdooyinka ceynkani oo kale ah ayaa aalaaba ka dhaca dalalka ku yaal qaarada Afrika.

Barasaabka ismaamulka Morogoro Stephen Kebwe ayaa goor sii horeysay ee maanta xaqiijiyay in 60 ruux ay ku dhinteen mashaqadan halka 70 kale la dhigay xarumaha Caafimaadka.

Faallooyin