Kuuriyada waqooyi oo tijaabisay gantaalo Kale

Kuuriyada waqooyi ayaa sameysay tijaabo gantaal sabtida maanta kuwaasi oo u muuqday in ay ahaayeen laba gantaal, sida laga soo xigtay milatariga kuuriyada Waqooyi.

Saraakiil ka tirsan wasaarada difaaca ee Seoul ayaa sheegay in tijaabada la sameeyay xilli hore ee Sabtida maanta,taasi oo ka dhacday magaalada dhanka waqooyi bari ka xigta koonfurta kuuriya ee Hamhung.

i
Gantaalaha la tijaabiyay ayaa ugu yaraan 400 kiilo mitir ku socday dhanka hawada kuwaasi oo ahaa gantaalaha ridada Gaaban.

Arintaan ayaa waxaa si xoogan u canbaareeyay kuuriyada Koonfureed.


Dhanka kale kuuriyada waqooyi ayaa ka hadlin tijaabadan,balse waxay horay u sheegtay in ay tahay digniin ku socota Mareykanka iyo kuuriyada Koonfureed.

Faallooyin