Musharrixiinta Jubbaland oo loogu baaqay ka shaqeynta amniga Kismaayo

Musharixiinta maamulka Jubbaland ayaa looga baaqay in ay  ka shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida magaalada Kismaayo.


Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Garissa oo la hadlay Universal ayaa sheegay in dani aysan ugu jirin shacabka Jubbaland xasilooni daro ka dhalata hardanka Siyaasadeed.


Dubat Cali Camey oo ka mid waxgaradka magaalada Garissa ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta Jubbaland in ay wax waliba uga tanaasulaan aayaha Bulshada.


Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay ay kacsaneyd xaalada magaalada Kismaayo.

Faallooyin