Ciidanka Badda Iiraan oo gacanta ku dhigay markab laga leeyahay UK

Ciidanka Ilaalada kacaanka Iiraan oo loo yaqaan (IRGC) ayaa gacanta ku dhigay markab shidaal oo laga leeyahay UK, kaasi oo marayay gacan biyoodka Hormuz.


Sargaal ka tirsan ciidanka kacaanka ayaa u sheegay website ka Sepahnews in Markabkaan uu hareer maray shuruucda caalamiga ah ee socdaalka Badda.


Arintaan ayaa ku soo aadeysa xilli uu sii xoogeysanayo xiisada u dhaxeysa Washington iyo Tehraan.



Markabka ayaa waxaa lagu qabtay diyaarad yar oo nooca helicopter oo ciidanka Iiraan adeegsadaan saacadu marka ay aheyd 7:30 pm xiliga maxaliga ah oo u dhiganta 3-dii galabnimo ee xiliga Dalkaasi.



Milkiilaha markabka Stena Bulk ayaa sheegay in aysan u suura galin xiriir uu la sameeyay waaxda maamulka Badaha.



Markabka oo laga leeyahay Swedan balse uu ka dulbabanayay calanka UK ayaa markii ugu danbeysay marayay Jasiirada Larak.


Shirkada iska leh markabka ayaa dhanka kale xaqiijisay in 23 badmaaxe ay saaran Yihiin.



Afhayeenka wasaarada difaaca UK ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan arintaan si dhowna ay ula Socdaan.


Waa markabkii labaad oo 24 saac gudahood ay gacanta ku dhigaan ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan.



Gacan biyoodka Hormuz ee qaliijka ayaa waxaa uu ka mid yahay meelaha ugu muhiimsan oo ay maraan maraakiibta shidaalka ayaa hada noqday goob halis ah in la Adeegsado.



4 bishan July ayay aheyd markii ciidanka badda UK ay qabsadeen markab shidaal oo ay leedahay dowlada Iiraan oo marayay xeebta Gibraltar oo xiriirisa UK iyo Spain.



Si kastaba ha ahaatee waxaa sii xoogeysanaya qilaafka u dhaxeeya  Mareykanka iyo UK oo dhinac ah iyo dowlada Iiraan.

Faallooyin