Uganda oo hab casri ah u diiwaan galineysa Xoolaha

Dowlada Uganda ayaa ku dhawaaqday in la diiwaan galin doono xoolaha, taasi oo ka caawin doonta in dalkaan uu la jaanqaado wadamada Caalamka.


Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa xaqiijiyay in warqadaha dhalashada loo sameyn doono dhamaan xoolaha marka la gaaro bisha Septemper.


Waxaa sidoo kale la diiwan galindoona beeraleyda si loo kala saaro kuwa wax soo saarkoodu hooseeyo iyo kuwa Kale.


Uganda oo xubin ka ah urur goboleedka dalalka bariga Afrika ayaa arintaan uga gol leh hormarinta kobaca dhaqaalaha iyo in lala xisaabtamo xoola dhaqatada iyo Beeraleyda.



Musaveni ayaa ugu danbeyn rajo ka muujiyay in talaabada xoolaha loogu goynayo warqada dhalashada ay wax weyn ka badali doonto in dowlada ay la socoto caafimaadka Xoolaha Uganda.

Faallooyin