Weerar dad badan lagu dilay oo ka dhacay Jamaacada Magaalada Kabul

Ugu yaraan sideed ruux ayaa ku dhimatay halka tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen qarax xoogan oo ka dhacay meel u dhow albaabka hore ee Jaamacada Kabul oo ku taal caasimada Afghanistan.


Saraakiil ka tirsan booliska ayaa xaqiijiyay in miinadan ay aheyd mid lagu qariyay goobta ka hor inta aysan Qarxin.

Afhayeenka Booliska magaalada Kabul Faramarz Firdaws ayaa xaqiijiyay in miino kale laga soo saaray meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxa ka Dhacay.


Miinooyinka qarsoon ayaa caqabad ku ah magaalada Kabul kuwaasi oo aalaaba lagu beegsado gawaarida dowlada iyo kuwa Dadweynaha.

Ilaa iyo hada ma jirto koox sheegatay mas,uuliyada weerarka Jimcaha maanta ka dhacay afaafka hore ee jaamacada magaalada Kabul.


Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa saacado uun kadib markii kooxda Taliban 12 ruux ku dishay weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay xarunta dhexe ee ciidanka booliska ee gobolka Kandahar oo dhaca koonfurta Afghanistaan.

Faallooyin