Madaxda caalamka oo canbaareeyay weerarka Trump ku qaaday haweenka aqalka Congress-ka

Ra'isul wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa dhaleeceysay talaabadii madaxweyne Trump uu ku cunsuriyeeyay afar hablood oo ka tirsan aqalka hoose ee Congress-ka Mareykanka.

Ms Markel ayaa sheegtay waxa uu ku qadaaqay Trump in ay ka hor imaaneyso in Mareykanku uu yahay dal Weyn.

Nafsad ahaanteyda waxaan ka fogaanayaa oo ka soo horjeedaa weerarkan oo ka dhan ah dumarka ayey tiri iyada oo warbaahinta la hadleysay Jimcaha Maanta.

Waxay intaa ku dartay in fikrad ahaanteeda ay aaminsan tahay in awooda Mareykanka ay ka timid dad asal ahaan ka soo jeeda wadamo Kale.

Donald Trump ayaa ololihii doorashada madaxtinimo ee sanadkii 2016 ilaa iyo hada adeegsanaya erayo ay ka mid yihiin waxaan hormarin doonaa Mareykanka.


Maalintii axada ee todobaadkii hore ayaa Trump wuxuu ugu baaqay afar hablood oo ka tirsan golaha Congress-ka oo sadax ka mid ah ay yihiin Muslimiin in ay ku laabtaan dalalka ay markii hore ka soo haajireen hadii aysan ku qanacsaneyn Siyaasadiisa.

Arintaan ayaa waxaa kale oo ka hadlay Raisul wasaaraha New Zealand ms Jacinda Ardern oo sheegtay in gabi ahaanba ay ka soo horjeedo falka cunsurinimada ah ee Trump.

Ra,isul wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo dhigiisa UK Theresa May ayaa sidoo kale canbaareeyay weerarka afka ah ee Trump ku qaaday dumarkan ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga.

Arintaan ayaa waxaa dhanka kale ku soo biiray siyaasiga lagu magacaabo Boris Johnson iyo xoghayaha arimaha dibeda UK Jeremy Hunt oo labduba galaangal ugu jira in ay xilka ka badalaan Theresa May.


Madaxweynaha golaha midowga Yurub Donald Tusk ayaa isna Khamiistii shalay sheegay in hadalada Trump ka soo yeeray ay yihiin wax laga Xumaado.

Faallooyin