Mid ka mid ah dableydii dishay diblumaasigii Turkiga oo la Aqoonsaday

Dowlad goboleedka Kurdida ee dalka Ciraaq ayaa sheegtay in la aqoonsaday mid ka mid ah dableydii mas,uulka ka aheyd weerar lagu dilay diblumaasi u dhashay Turkiga oo ka dhacay magaalada Irbil ee dalka Ciraaq.

Mr Cusmaan Kose ayaa lagu qaarijiyay arbacadii hore, kadib markii rasaas ooda ay ugu qaadeen koox dabley maqaayad ku taal magaalada Irbil ee caasimada u ah gobolka Kurdida ee waqooyiga Ciraaq.

Weerarkaan ayaa waxaa dhanka kale ku dhintay laba ruux oo ku sugnaa maqaayada la weeraray sida ay Booliska Xaqiijiyeen.

Mid ka mid ah dableydii weerarkaan ka danbeysay ayaa sawirkiisa waxaa soo bandhigay booliska ciraaq, waxaana magaciisa lagu sheegay Mazlum Dag oo ku dhashay magaalada Diyarbakir, ee dalka Turkiga sanadkii 1992-dii.

La tuhmahaan ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Irbil ka codsaday in laga caawiyo sidii uu dib ugu noqon lahaa gudaha dalka Turkiga.

Muuqaalada ninkaan ayaa waxaa soo qabtay Camerada qarsoon ee lagula socdo dhaqdhaqaaqa amniga oo loo yaqaan CCTC, waxaana shacabka loogu baaqay in ay booliska ku wargaliyaan hadii ay Arkaan.

Dhanka kale milatariga Turkiga ayaa bilaabay duqeymo xoogan ka geestay saacadihii la soo dhaafay deegaanada ay ku tuhmayaan maleeshiyada PKK oo ay ku eedeeyeen in ay ka danbeysay Weerarkaan.

Faallooyin