Cutubyo ka tirsan Milatariga Koonfur Afrika oo howlgal ka bilaabay magaalada Cape Town

Milatariga koonfur Afrika ayaa howlo roondo ah ka bilaabay Khamiista maanta ah magaalada ku yaal caasimada Cape Town kadib amar ka soo baxay Dowlada.

Arintaan ayaa looga gol leeyahay si loola dagaalamo kooxaha burcada ah ee falal danbiyeedyada ka geysanaya magaalada dhacda Xeebta si amniga loo Xaqiijiyo.

Ciidanka difaaca koonfur Afrika ayaa ku sii sugnaan doona wadooyinka inta uu ka soo hagaagayo amniga magaalada Cape Town iyo gobolka galbeedka gobolka Cape sadex bil ee soo Socota.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in ilaa iyo bisha October kadib amar ka soo baxay Jimcihii la soo Dhaafay.

Ilaa iyo hada ma cada tirada rasmiga ah ee ciidanka Milatariga ah ee howlgalkaan ka qeyb Qaadanaya.

Ramaphosa ayaa u sheegay xubnaha baarlamaanka in Milatariga ay taageeri doonaan laamaha Booliska si loo xaqiijiyo amniga bulshada ku nool magaalada Cape Town.

Burcada ku sugan magaalada caasimada ah ee koonfur Afrika ayaa cabsi galin ku hayay sanadihii danbe ganacsatada iyo ajaaniibta kale ee ku sugan Koonfur Afrika.

Tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan ayaa waxaa lagu dilay magaalada Cape Town 2,000 oo qof oo isugu jira muwaadiniin u dhashay dalkaasi iyo dad Ajnabi Ah.

Dadka lagu qaarijiyay koonfur Afrika ayaa waxaa ka mid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo qaab ganacsi ah u jooga Wadankaasi.

Faallooyin