Ruushka oo beeniyay in ciidankiisa ay ka dagaalamayaan gobolka Idlib

Dowlada Ruushka ayaa canbaareysay eedo loo jeediyay oo ahaa in ciidankooda uu qeyb ka yahay dagaalka ka socda gobolka Idlib oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ku sugan Mucaaradka.

Wasaarada difaaca Ruushka ayaa war saxaafadeed ay soo saartay khamiista maanta ah ayaa lagu sheegay in ciidan uusan kaga sugneyn aagaasi, sida ay tabisay wakaalada wararka ee RIA.

Hadalkaan ayaa imaanaya kadib markii sargaal ka tirsan maleeshiyada ku sugan gobolka Idlib uu ku eedeeyay milatariga ruushka in maalmihii la soo dhaafay ay ka barbar dagaalamayeen ciidanka dowlada Suuriya.


Dowlada Suuriya ayaa mudo laga joogo laba bil waxay weerar ku qaaday gobolka Idlib si ay meesha uga saarto dagaal-yahanada gacan saarka la leh ururada Al-Qaacida iyo Daacish oo ku haray gobolka waqooyi Galbeed

Faallooyin