Macron iyo Putin oo sheegay in muhiim ay tahay in la xaqiijiyo heshiiska Nuclear-ka Iiraan

Madaxweynaha Faransiiska Vladimir Putin iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaanka u tahay heshiiskii 2015 wadamada quwadaha la gaareen Iiraan.

Macron iyo Putin ayaa tilmaamay in arintaan ay ku dadaalayaan si loo xaqiijiyo amniga wadamada dhaca bariga Dhexe.


Labada dal oo ka mid ahaa xubnihii heshiiska loo yaqaan (JCPOA) oo lala galay Iiraan ayaa qadka taleefanka wadahadal ku yeeshay Khamiista maanta ayaa ka munaaqashooday qaabka loo xaqiijin karo burbur ku yimaada Heshiiskaan.

Wadahadalka dhexmaray Putin iyo Macron ayaa waxaa xaqiijiyay madaxtooyada dalka Ruushka ee Kremlin.

Faallooyin