Kooxda Talibaan oo weerar xoogan ku qaaday xarunta booliska ee gobolka Kandahar

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay irida hore ee lga galo xarunta dhexe ee ciidanka booliska Afghanistan ku leeyahay magaalada Kandahar ee dhacda koonfurta Afghanistaan, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Booliska.

Tadeen Khan, oo ka mid madaxda amniga ayaa sheegay in markii uu dhacay qaraxa kadib dagaal yahanada hubeysan ee weerarka soo qaaday uu dagaal xoogan dhex maray ciidanka amniga.


Ilaa iyohada ma jirto cid sheegatay mas,uuliyada weerarkaan waxaana ciidanka amniga ay xireen dhamaan ba hareeraha saldhiga uu weerarka dhacay.


Gobolka Kandahar ayaa waxaa horay u maamuli jiray kooxda Taalibaan tan iyo sanadkii 1996-dii ka hor inta aysan kala wareegin milatariga Mareykanka sanadkii 200-dii.

Dowlada Mareykanka iyo ururka Taalibaan ayaa wadahadalo bilihii la soo dhaafay ay uga socdeen magaalada Dooxa, balse arintaan ayaa baajin weerarada kooxda Talibaan ay ku qaadayaan ciidanka shisheeye iyo kuwa dowlada Afghanistaan.

Faallooyin