Shiinaha oo ku hanjabay in uu jawaab ka bixin doono hubka Mareykanka ka Iibiyay Taiwan

Dowlada Shiinaha ayaa sheegtay in cunaqabateyn ay ku soo rogi doonto shirkadaha hubka ee dalka Mareykanka oo lacag gaareysa $2.2 Billion hub kaga Iibiyay dowlada Taiwan.

Wasiirka Arimaha dibada shiinaha Wang Yi warning ayaa sheegay in Washington ay ku cayaareyso Dab.



Mareykanka ayaa markii ugu horeysay heshiis Milatari la galay maamulka Taiwan oo markii ugu horeysay ka baxday xukunka Milatari oo dowlad dimuquraadi ah loo Doortay.


Tani ayaa sii xumeysay xiriirka  Washington iyo Beijing oo markii hore uu u dhaxeeyay dagaal dhanka Ganacsiga.

Hubka uu Mareykanka ka Iibiyay Taiwan wuxuu xad-gudub ku yahay madaxbanaanida Shiinaha iyo shuruucda caalamiga, sidaasi waxaa yiri afhayeenka wasaarada arimaha dibada  Geng Shuang.

Mareykanka ayaa dal madax banaan u aqoonsaday Taiwan, halka Shiinaha uu u arko Jasiirad ka tirsan Dalkiisa.


Si loo badbaadiyo danaha qaran ee dalka Shiinaha waxaan amrayaa in cunaqabateyn lagu soo rogo shirkadaha hubka Mareykanka waxaa sidaa warfidiyeenada u sheegay wasiirka Arimaha dibada Shiinaha Yi warning.


Dagaalo sokeeye oo u dhaxeeyay Shiinaha iyo Taiwan ayaa dhacay sanadkii 1949-kii balse tan iyo xiligaas ma helin aqoonsi caalami ah maamulka milatari ee Taiwan.

Balse Mareykanka ayaa xiriir la lahaa maamulka fadhigiisu yahay magaalada Taipei ee caasimada u ah Taiwan.

Faallooyin