Dagaal wali ka socda hotelka Cascasey ee magaalada Kismaayo

Waxaa wali socda iska hor imaad xoogan oo u dhaxeeya ciidanka amniga Jubbaland iyo kooxda Al-Shabaab oo maqribnimadaan weerar ku qaaday Hotelka Cascasey ee magaalada Kismaayo.


Wararka aynu heleyno ayaa sheegaya in dagaal-yahanada ay heestaan dad badan oo ay isugu geeyeen mid ka mid ah qolalka Hotelka.


Ciidanka amniga ayaa dadaal ugu jira sidii lagu badbaadin lahaa dadka la heesto walow hardan xoogan ay la Kulmayaan.


Qoriga loo yaqaan BTM ayey adeegsanayaan ciidanka howlgalka wada, waxaana rajo ay ka muujiyeen in ay soo afjari doonaan saacadaha soo Socda.


Weerarka hotelka Cascasey ayaa waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay 10 ruux walow qasaaraha intaa uu ka badan Karo.

Faallooyin