Qaramada midoobay oo talaab u qaaday xiritaanka xerada Dadab

Shacabka soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dadab ee gobolka waqooyiga Bari ee kenya ayaa ka rajo dhigay in ay ku sii noolaadaan xerada Dadaab.


Hey,ada qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR saraakiil ka tirsan ayaa sheegay in ay socoto kala saarista qaxootiga Kenya iyo kuwa Soomaalida.


Qaramada midoobay ayaa sheegtay in kuwa soomaalida si gooni ah loo diiwaan galinayo si dalka ay ugu soo guryo Noqdaan.


Dhanka kale soomaalida gashay diiwaanka qaramada midoobay ee ka soo jeeda waqooyi bari ayaa ku hari doona xeryaha si faraha qaxootiga looga Saaro.


Dowlada Kenya ayaa bishii Febraayo u qortay fariin qaramada midoobay taasi oo aheyd in albaabada la isugu dhufan doono Xeryaha Dadab.

Faallooyin