Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal ka dhacay duleedka Muqdisho

Ciidanka amaanka qaranka Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay la tuhmayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab kadib howlgal ka dhacay duleedka Muqdisho.


War kooban oo ka soo baxay laanta nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in laba xubnood oo ku howlanaa falal danbiyeedyo ka dhan ah bulshada gacanta lagu soo Dhigay.


Raggaan ayaa watay laba bastoolad sida ay sheegeen saraakiisha NISA.


Ciidanka amniga ayaa mudooyinkii la soo dhaafay xirxiray dhowr xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab kuwaasi oo watay Hubkooda.

Faallooyin