Dowlada Liibiya oo Faransiiska ka dalbatay in jawaab uu ka bixiyo sida mucaaradka uu ku gaaray hub laga helay magaalada Gharyan

Dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya ayaa ka dalbatay xukuumada Paris in uu sharaxaad ay ka bixiso qaabka mucaaradka ay ku heleen hub ay leedahay dowlada Faransiiska.


Gantaalaha lagula dagaalamo gaadiidka dagaalka iyo diyaaradaha ayaa bishii hore waxaa gacanta ku dhigay milatariga dowlada kadib markii dagaal xoogan ay la galeen Mucaaradka.


Hubkaan ayaa laga helay xero maleeshiyada Janaraal Khaliifa Haftar ay kaga sugnaayeen magaalada Gharyan.



Wasiirka Arimaha dibada Liibiya Maxamed Dahir Siala ayaa ka dalbaday dhiggiisa Faransiiska
Jean-Yves Le Drian, in uu sharaxo qaabka gantaalahan ay ku gaareen  Liibiya iyo sida uu ugu gacan galay Mucaaradka.

Janaraal Khaliifa Haftar oo sheegtay in uu yahay taliyaha guud  ee milatariga ayaa bishii April weerar ku qaaday magaalada caasimada ah ee Tripoli oo fariisin u ah dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya.


Maalintii Arbacada ee todobaadkan ayey aheyd markii wasaarada difaaca Faransiiska ay qiratay in gantaalaha laga helay magaalada Gharyan ay ahaayeen hub ay horay uga soo iibsatay Mareykanka.

Faallooyin