Qaxooti Suuriyaan ah oo ku sugnaa dalka Lubnaan oo dib ugu laabtay dalka Suuriya

Boqolaal ruux oo qaxooti ah oo ku sugnaa dalka Lubnaan ayaa dib ugu laabtay wadanka Suuriya kadib markii laga itaal roonaaday dagaal yahanada Mucaaradka.

Dib u laabashada qaxootigaan ayaa waxaa iska kaashaday hey,ada qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR iyo gudiga amniga Lubnaan.


Barakacayaasha ayaa la arkayay iyaga oo ka gudbaya deegaanka Al- Zamarani oo ku yaal xadka Lubnaan iyo Suuriya.


Dowlada Suuriya ayaa dhankeeda Basas u dirtay qaxootigaan iyo shaqaale caafimaad oo baara Barakacayaashan soo guryo Noqday.



Faallooyin