Qaraxyo xoogan oo ka dhacay qabri aas loogu sameynayay Sargaal ka tirsanaa ciidanka Liibiya

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay halka 33 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay ku qarxeen meel u dhow magaalada Benghazi ee bariga Liibiya.



Arintaan ayaa timid iyadoo aas loo sameynayay sargaal sare oo ka tirsanaa milatariga Liibiya.

Afhayeenka wasaarada arimaha gudaha Tarek el-Kharraz ayaa sheegay in laba askari iyo laba qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen Qaraxyadaan.


Aaska ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan milatariga Liibiya waxaana ka mid ahaa Wanis Bukhamada.

Tirada dhimashada ayaa laga cabsi qabaa in ay kor u kacdo sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka maadama dhaawacyada qaar ay halis Yihiin.


Jenaraal Khaliifa Haftar oo heesta qeybo ka mid ah bariga Liibiya ayaa beeniyay in uu ka danbeeyo qaraxaan waxaana uu codsaday in la baaro.



Faallooyin