Maxkamad ku taal Jarmalka oo amartay in la tarxiilo shaqsiyaad ka tirsan kooxda Daacish

Maxkamad ku taal Jarmalka ayaa ku amartay dowlada in ay tarxiisho haweeney asal ahaan ka soo jeeda dalka Suuriya oo lagu eedeeyay kooxda Daacish iyo sadex caruur ah oo ay Dhashay.



Wadamada reer galbeedka gaar ahaan Jarmalka ayaa caqabado ka wajahaya la macaamilka muwaadiniinta ku biireysa dagaal yahanada Daacish.


Qoyska haweeneydaan ayaa ka codsaday wasaarada Arimaha dibada Jarmalka in haweeneydan caruurteeda aan laga tarxiilin Jarmalka, balse waxaa arintaa diiday Diblumaasiyiinta.


Sadex caruur ayaa ku noolaa  deegaanada kurdida ee waqooyiga Suuriya.


Dowlada Jarmalka ayaa markii hore dooneysay in ay tarxiisho oo kaliya caruurta, balse sadexda cunug ayaa dalbaday in hooyadood iyadana la Masaafuriyo.

Ugu danbeyn maxkamada ayaa amartay in hooyadaan iyo Ilmaheeda laga tarxiilo Dalkaasi.



Faallooyin