Milatariga Sacuudiga oo la wareegay xarumaha ay ka baxeen ciidanka Imaaraadka ee ku sugnaa Yemen

Milatariga Sacuudiga ayaa la wareegay gacan ku heynta xeebaha Istaraatiijiga ah ee Bab Al-Mandeb kadib markii Imaaraadka ku dhawaaqay in uu dhimayo tiro ka mid ah ciidanka ka jooga Yemen.

La bixitaanka ciidanka Imaaraadka ayaa imaanaya iyadoo isbaheysiga Sacuudiga hogaaminayo uu mudo afar sano ah dagaal kula jiro kooxda Xuutiyiinta.

Dagaalka Yemen ayaa dhanka kale gaaray heer gobol waxaana qilaaf uu ka dhex abuuray dowlada Sacuudiga iyo Iiraan.


Laba sargaal oo ka tirsan ciidanka Yemen ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in milatariga Sacuudiga ay la wareegeen dekada Al- Mokha iyo al-Khokha.


Imaaraadka ayaa horay ugu adeegsan jiray olalahooda Milatari ee ka dhanka ah magaalada Xudeydah iyo in la socdaan dhaqdhaqaaqa Xeebaha.

Faallooyin