Ciidanka badda Iiraan oo weeraray markab ganacsi oo laga leeyahay UK

Dowlada Ingariiska ayaa sheegtay in sadex doon oo ay leeyihiin ciidanka Iiraan ay isku day aan guuleysan ku weerareen markab ganacsi oo laga leeyahay UK oo marayay gacan biyoodka Hormuz.

War saxaafadeed ka soo baxay Khamiistan ayaa lagu xaqiijiyay in doomahan ay ku soo dhawaadeen markabka balse ay heleen digniino kaga yimid ciidanka badda UK oo wax yar u jiray Markabka.


Waan ka walaacsanahay ficilkaan waxaana ku boorineynaa dowlada Iiraan, wax kasta oo xumeyn kara xaalada gobolka ayaa lagu yiri bayaanka UK.



Dhanka kale wasiirka Arimaha dibada Iiraan Javad Zarif ayaa beeniyay eedan, sida ay tabisay wakaalada warark ee Fars.



Zarif ayaa arintaan ku tilmaamay mid ay dowlada UK ku dooneyso in xaalada cakiran ay ku Abuurto.


Dhanka kale ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ayaa beeniyay in ay weerar ku qaadeen markab ka ganacsi ee dowlada Ingariiska.

Faallooyin