Safiirka UK u fadhiya Washington oo is casilay iyo xiriirka labada wadan oo Xumaanaya

Safiirka dowlada UK u fadhiya dalka Mareykanka Sir Kim Darroch ayaa ku dhawaaqay in uu xilka iska casilay xilli uu qilaaf xoogan soo kala dhexgalay labada Wadan.


Xaalada hada jirta ma ii saamaxeyso in doorka shaqadeyda aan sii wato ayuu yiri mr Kim.



Arintaan ayaa timid kadib markii la soo dusiyay hadal uu sheegay Donald Trump oo ka dhan ah Dowlada UK.


Trump ayaa u sheegay safiirka in uusan aqoonsaneyn shaqada uu ka hayo safiirkan waxaana qoraalka laga helay safaarada Uk ay ku leedahay Mareykanka.

Warqada is casilaada ah ayuu u gudbiyay madaxa wasaarada arimaha dibeda UK u qaabilsan dhanka diblumaasiyada Simon McDonald.

Dhanka kale iscasilaada 65 jirkaan ayaa waxaa xaqiijiyay Arbacada maanta Wasaarada Arimaha dibeda UK.



Donald Trump ayaa sheegay in wax heshiis ah uu Mareykanka la gali doonin UK ilaa la helayo ra'isul wasaaraha xiga ee badalaya Theresa May.

Faallooyin