Turkiga oo uga digay Mareykanka in uu qaado talaabo xumeyn karta xiriirka labada Wadan

Dowlada Turkiga ayaa uga digtay Mareykanka in uu qaado talaabo qaldan taasi oo dhalin karta in uu xumaado xiriirka labada Wadan.


Arintaan ayaa timid kadib markii waaxda arimaha dibeda Mareykanka ay sheegtay in Ankara ay wajihi doonto jawaab dhab ah oo ka dhan ah gantaalaha difaaca ee S-400 oo ay farsameysay dowlada Ruushka.

Afhayeenka wasaarada Arimaha dibada Turkiga Hami Aksoy ayaa war saxaafadeed uu soo saaray Arbacadan ku sheegay in digniinta Mareykanka aysan hor istaagi Doonin.


Wuxuu intaa raaciyay in hadalka ka soo yeeray ms Morgan Ortagus oo ah afhayeenka waaxda arimaha dibeda Mareykanka uu ka hor imaanayo kulankii dhexmaray bishii hore ku dhexmaray magaalada Osaka Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo dhigiisa Mareykanka Donald Trump.


Aksoy ayaa ugu danbeyn sheegay in Washington ay uga digayaan in ay qaado talaabo qaldan oo ka hor imaaneysa in uu xumaado xiriirka labada Wadan.

Faallooyin