Faransiiska oo beeniyay in taageero milatari uu siiyo mucaaradka Liibiya

Wasaarada gaashaandhiga ee dalka Faransiiska ayaa arbacada maanta ah sheegtay in gantaalaha Javelin ee laga helay mucaaradka Liibiya ay ahaayeen hub horay Faransiiska uga soo Iibsaday Mareykanka.


War saxaafadeed ka soo baxay xukuumada Paris ayaa lagu xaqiijiyay in gantaalahan ay adeegsanayeen cutubyo ka tirsan milatariga Faransiiska ee ku sugan Liibiya.


Wasaarada ayaa intaa raacisay hubkaan in si qaldan ay ku heleen maleeshiyada Janaraal Khaliifa Haftar, balse hada la Burburiyay.


Gantaalahaan ayaa bishii la soo dhaafay waxaa laga helay xero maleeshiyada Haftar ay ku lahaayeen magaalada Gharyan oo Milatariga dowlada Liibiya ay dagaal kula Wareegeen.

Waa markii ugu horeysay oo dowlada Faransiiska ay si rasmi ah shaaca uga qaado in cutubyo milatari ay ka joogan dalka Liibiya tan iyo sanadkii 2016-kii.


Dowlada Faransiiska Imaaraadka iyo Masar ayaa horay loogu eedeeyay in ay taa

Faallooyin