Shiinaha oo loogu baaqay in joojiyo dhibaatada uu ku hayo muslimiinta Uighurs

In ka badan 20 dal ayaa ugu baaqay wadanka Shiinaha in xayiraada ka qaado dadka laga tirada badan yahay ee Uighurs ee ku nool Dalkaasi.


Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in safiirada wadamada reer galbeedka ay baaqaan kula soo biireen hey,ada u dooda xuquuqda Aadanaha.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan hal million oo qaxooti ah oo u dhashay qowmiyada Uighurs lagu ooday xeryo qaxooti oo ku yaal gobolka Xinjiang.

Balse shiinaha ayaa sheegay in dadkaan la barayo xirfado si ay shaqo abuur ugu Noqoto.


Fariinta loo diray dalka shiinaha 8-dii bishan July ayaa waxaa ku saxiixnaa 22 Safiir.

Waxaana ka mid ahaa wadamada  Australia, Canada iyo Japan iyo qaar ka mid ah dalalka reer Yurub, sida Faransiiska Ingariiska Jarmalka Switzerland.

Balse xubnahaan ayaa waxaa ka maqnaa dalka Mareykanka oo sanad ka hor ka Baxay.

Faallooyin