Faransiiska oo dadaal ugu jira badbaadinta heshiiskii wadamada quwadaha la galeen Iiraan

La taliyaha dhanka diblumaasiyada madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa magaalada caasimada ah ee Tehran kulan kula qaatay mas, uuliyiin sare oo ka tirsan dalka Iiraan.

Faransiiska ayaa dadaal ugu jira in uu badbaadiyo heshiiskii wadamada quwadaha ay la galeen Iiraan sanadkii 2015-kii.


Emmanuel Bonne oo ah la taliyaha Macron ayaa la kulmay Admiral Ali Shamkhani, oo ah xoghayaha qaranka amniga Iiraan Arbacada Maanta.

Kulankaan ayaa imaanaya laba maalin uun kadib markii dowlada Iiraan ay shaacisay in ay bilowday bacriminta hubka Uranium-ka ee hubka Nuclear-ka.

Madaxtooyada Faransiis-ka ayaa sheegtay in Bonne uu ku sugan yahay caasimada Tehran oo uu kulamo kula qaadanayo mas,uuliyiinta Dalkaasi.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibeda Iiraan Abbas Mousavi ayaa Wakaalada wararka ee IRNA u sheegay in Iiraan ay soo dhaweyneyso doorka Faransiiska uu ka qaadanayo in la yareeyo xaalada cakiran ee u dhaxeysa Tehran iyo Washington.

Faallooyin