Mareykanka oo wada qorshe lagu sameynayo Isbaheysi Milatari oo ka dhan ah Iiraan

Dowlada Mareykanka ayaa wado qorshe Milatari oo ka dhan ah Iiraan, si looga hortago waxa ay ugu yeertay caqabad amni daro oo ka dhacda gacanka Qaliijka.


Janaraal Joseph Dunford oo ah hogaamiyaha ciidanka Badda Mareykanka ayaa sheegay in qorshahooda yahay Isbaheysi milatari, si loo xaqiijiyo amniga xeebaha Yemen iyo Iiraan.


Waxaan ogaan doonaa todobaadyada soo aadan dalalka nagu soo biiri doona, balse waxaa naga go,an in si xor ah ay maraakiibta u maraan biyaha Hormuz iyo Bab Al-Mandab, sidaa waxaa yiri Dunford.



Tiro maraakiib ayaa bishii hore lagu weeraray xeebaha Khaliijka, waxaana dowlada Mareykanka oo iyo Sacuudiga ku eedeeyeen dalka Iiraan.

Faallooyin