Amnesty oo sheegtay in dimuquraadiyada caalamka ay halis gali doonto hadii aan lala xisaabtamin kuwii dilay Jamal Khashoggi

Madaxa qaramada midoobay u xilsaaran dhanka baaritaanka dilalka Qarsoodiga ah Agnes Callamard iyo Hatice Cengiz, oo ah gabadhii uu guursan rabay Jamal Khashoggi ayaa waxay ka digeen in halis ay ku jirto qiimaha dimuquraadiyada Caalamka.

Waxay tilmaameen in taasi ay dhici doonto hadii madaxda Sacuudiga ay ka badbaadaan in lagula xisaabtamo dilka Jamal sanadkii hore loogu geestay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.



Kadib xaflad xalay lagu qabtay magaalada London, ayaa wadamada caalamka ay ugu baaqeen in ficil muuqda loo qaado baaritaan lix bil socday oo 19-kii bishii June qaramada midoobay Shaacisay.

Waxaan jeclaan lahaa in warbixintan aad isticmaashaan si loola xisaabtamo kuwii dilay Jamal, sidaasi waxaa xarunta dhexe ee hey,ada Amnesty ee magaalada London ka tiri Hatice Cengiz.


Si kastaba ha ahaatee dilkii 2-dii October loogu geestay qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul ayaa waxaa lagu tuhmayaa in uu ka danbeeyay dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan.

Faallooyin