Shacabka waqooyi bari Kenya oo ka cabanaya in aysan helin warqadaha Dhalashada

Shacabka ku dhaqan ismaamulka Wajir ee gobolka waqooyi Bari Kenya ayaa walaac ka muujiyay helida warqada dhalashada Kenya.


Qaar ka mid ah dadkaan oo la hadlay Tv-ga Universal ayaa tilmaamay in ay aad ugu dhib qabaan helida aqoonsiga dhalashada labadii sano ee la soo Dhaafay.

Waxay sheegeen in ay sanad ka hor dalbadeen balse ilaa iyo hada ay ka maqan tahay sababo aan la Shaacin.


Qaar ka mid ah waxgaradka magaalada ayaa qaba in shaqaalaha dowlada ay u xilsaartay soo saarida warqadaha dhalashada ay qaataan lacag Laaluush ah.


Si kastaba ha ahaatee shacabka soomaalida ee ku dhaqan gobolka waqooyi Bari ayaa ka cowda marwaliba adeegyada ay dowlada u heyso Bulshada.

Faallooyin