Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay madax ka tirsan dalka Lubnaan

Waaxda maaliyada ee dalka Mareykanka cunaqabateyn ku soo rogtay laba mudane oo ka tirsan baarlamaanka Lubnaan.


Mareykanka ayaa ku eedeeyay Mudanayaashan in ay qeyb ka yihiin isku xirka milatariga Lubnaan iyo dagaal-yahanada Xisbullah.


Amin Sheciiri iyo Maxamed Xasan Racad ayaa dowlada Mareykanka sheegtay in xubnahaan xilalka ay hayaan si qaldan ugu taageereen kooxda oo Mareykanka horay ugu daray liiska Argagixisada.


Laba xubnood oo ayaa 10 sano ka tirsan baarlamaanka Lubnaan.


Dowlada Mareykanka ayaa 50 xubnood oo ka tirsan Ururka Xisbullah cunaqabateyn ku soo rogtay tan iyo sanadkii 2017-da.


Xukuumada Washington ayaana u aragta in kooxdaan ay tahay caqabad amni oo ka dhan dalka Israel.

Faallooyin