Tirada dadka Rayidka ah ee ku dhintay colaada ka taagan wadanka Liibiya oo Korortay

Dagaalada u dhaxeeya Milatariga Liibiya iyo dagaal-yahanada Mucaaradka mucaaradka ah ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 1,000 tan iyo markii uu bilowday bishii April.


Hey,ada qaramada u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in colaada ay sidoo kale ku barakaceen kumanaan Ruux.


Hey,ada caafimaadka Aduunka ee (WHO)  ayaa xaqiijisay in 1,048 qof  lagu dilay weerarka maleeshiyada Jenaraal Khaliifa Haftar uu ku qaaday dowlada caalamka aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli.



Warbixintaan ayaa imaaneysa todobaad uun kadib uun kadib, markii ku dhowaad 60 ruux lagu dilay weerar duqeyn ah oo ka dhacay xero qaxooti oo ku taal caasimada dalkaan dhaca waqooyiga Afrika.

Faallooyin