Rasaas xoogan oo laga maqlay afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka Nigeria

Xarunta dhexe ee baarlamaanka Nigeria ayaa maanta albaabada la isugu laabay galinkii danbe ee talaadada maanta kadib markii koox shiica ah ay isku dayday in ay si xoog ah ku galaan dhismaha Baarlamaanka.


Booliska ayaa u adeegsaday sunta dadka ka Ilmeysiisa iyadoo la dareemayay qiiq iyo Holac.


Lama oga rasaasta in ay tahay mid u dhaxeysa booliska iyo kooxda shaacada ah iyo Inkale.


Taagerayaasha kooxda shiicada ah ee dalka Nigeria oo loo yaqaan
The Islamic Movement of Nigeria (IMN) ayaa isku dayay in galaan dhismaha kuwaasi oo aad u Careysnaa.


Qaar ka mid ah taageerayaasha kooxdaan oo ku sugnaa afaafka hore ee xarunta baarlamaanka ayaa ku dhawaaqayay in la sii daayo hogaamiyahooda Ibrahim Zakzaky.


Wadaadkan shiicada ah ayaa dowlada xirtay sanadkii 2015-kii, kadib markii lagu eedeeyay in uu qalqal galinayo Amniga Dalkaas.

Faallooyin