Kooxda Taliban oo aqbashay in la yareeyo qasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaraya weerarada ka dhaca Afghanistan

Dowlada Afghanistan iyo kooxda Taliban ayaa isku raacay in la yareeyo qasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaraya dagaalada u dhaxeeya labada Dhinac, kadib shir laba maalin ka socday magaalada Dooxa.



Shacabka dalkaas ayaa dhibane u ahaa 17-sano ee la soo dhaafay weerarada isugu jira qaraxyada iyo duqeymaha ka dhacaya Afghanistan oo geysanayaan ciidanka dowlada oo garab ka helaya kuwa NATO iyo dagaal yahanada Taliban.


War saxafadeed si wadajir ah ay uga soo saareen magaalada dooxa shalay galinkii danbe ayaa labada dhinac waxay isla garteen in la yareeyo qasaaraha dadka Rayidka.


Shirka uga socday labada maalin magaalada dooxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dowladaha Qatar iyo Jarmalka.


Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan dowlada Afghanistaan siyaasiyiin hore haween u ololeeya xuquuqda aadanaha iyo kooxda Talibaan.

Goobaha loo adeego dadweynaha gaar ahaan isbitaalada Iskuulada Madaariista iyo Masaajida ayaa dhanka kale la isla gartay in ay noqdaan meelo ka caagan Dagaalada.

Faallooyin