Imaaraadka oo la baxaya tiro ka mid ah ciidanka ka Jooga Yemen

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa sheegtay in ay dhimi doonto ciidankeeda ku sugan dalka Yemen oo qeybta ka ah isbaheysiga u hogaaminayo Sacuudiga.

Saraakiil ka tirsan Imaaraadka ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidankooda ay la baxayaan maadama Yemen ay u joogaan kaliya nabad Ilaalin ayna hada soo hageegeyso xaalada Amni.


Sababaha aan u joogno Yemen waa in aan sugnaa amniga goobaha Muhiimka ah sida magaalada xeebta ah ee Xudeydah iyo xarumaha dowlada.



Si kastaba ha ahaatee lama oga sababta ka danbeysa in Imaaraadka uu dhimo Ciidankiisa ka jooga Yemen ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta.

Faallooyin