Erdogan oo sheegay in xoojinta amniga Turkiga uusan kala tashan doonin Mareykanka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay talaadada maanta ah in hanaanka difaaca Gantaalaha Ruushka ee loo yaqaan S-400 loo daabuli doono Turkiga bisha July ee soo Socota.

Erdogan ayaa Khudbad uu ka jeediyay Tv-ga Turkiga wuxuu sheegay in gantaalaha difaaca ee S-400 uu la xiriiro hanaanka difaaca ee Turkiga ayna bilaaban doonto bisha soo aadan in dalkiisa ay Gaaraan.

Mareykanka ayaa sheegay in uu ka laaban doono heshiiska uu turkiga uga iibinayo diyaaradaha F-35 hadii Turkiga uusan ka laaban heshiiska uu Ruushka la Galay.


Washington ayaa dhanka kale sheegtay in Cunaqabateyn ay ku soo rogi doonto xukuumada Ankara.

Balse Erdogan oo ka jawaabayay hanjabaada Mareykanka ayaa sheegay in dadaalada lagu xoojinayo hanaanka difaaca dalkiisa uusan cidna kala Tashaneyn.

Hogaamiyaha Turkiga ayaa dhanka kale sheegay in uu xoojin doono xiriirka Turkiga iyo Mareykanka.

Si kastaba ha ahaate Erdogan iyo Trump ayaa la filayaa in todobaadka soo aadan ay ku kulmaan shirka wadamada G20 oo todobaadkan lagu qaban doono magaalada Osaka ee dalka Japan.

Faallooyin