Ashraf Ghani oo ka hadlay hanjabaad kooxda Taliban u jeedisay warbaahinta Afghanistan

Dowlada Mareykanka ayaa canbaareysay digniinta ururka Taalibaan u jeediyeen warbaahinta ka howlgasha wadanka Afghanistaan.

Kooxda Taalibaan ayaa sheegtay in ay bartilmaameed ka dhigan doonto saxafiyiinta hadii ay joojin waayaan tabinta wararka ka dhanka ah kooxda waa sida hadalka loo Dhigay.

War saxaafadeed ka soo baxay isniintii shalay kooxda ayaa lagu yiri Idaacada Tv-yada iyo hey,adaha kale ee warbaahinta waxay heestaan mudo todobaad ah si ay joojiyaan tabinta wararka ka dhanka ah kooxda Taalibaan.

Amarkaan ayaa ciddi ka hor timaada waxay la kulmi doonta in bartilmaameed laga dhigto ayna la kulmi doonto weeraro kaga yimaada dagaalyahanada ku sugan wadanka Afghanistaan.

Kooxda Talibaan ayaa ku eedeysay warbaahinta ka howlgasha dalkaas in ay taageero u yihiin Mareykanka wadamada kale ee reer galbeedka iyo Dowlada fadhigeedu yahay magaalada Kaabul.

Digniintaan ayaa waxaa canbaareeyay madaxweyne Ashraf Ghani waxaana uu sheegay in wax aan la aqbali karin ay tahay in la beegsado Warbaahinta.

Ghani ayaa intaa raaciyay in arintaan ay ka hor imaaneyso shareecada Islaamka iyo bani Aadanimada.

Faallooyin