Kenya oo wajaheysa caqabad amni darro oo kaga Imaaneysa kooxda Al-Shabab

Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa sare u qaaday weerarada ay geysanayaan gobolka waqooyi bari Kenya todobaadyadii la soo dhaafay.


Ismaamulada Garissa Wajeer iyo Mandera oo xad la wadaaga dalka ayaa waxaa ka dhacay weeraro lagu dilay askar ka tirsan ciidanka Kenya.


Weeraradaan oo u badnaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxay ka dhaceen deegaanada kala ah
Shiikh Barrow, Carabiya, Fino, Dhamasa Lafey, Alungo, Warankara, Falama, Raamuu iyo Garsesala oo ka tirsan dowlad goboleedka Mandera.

Bishii Sedaxaad ayaa sidoo kale koox dabley ah waxay afduub u geysteen laba dhaqtar oo u dhashay Kuuba oo ka howlgalayay magaalada Mandera, kuwaasi oo ugu danbeyn loola soo baxsaday gudaha Dalka.

Wasiirada Arimaha dibeda Monica Juma ayaa afduubka labadan dhaqtar iyo dilka askari ka tirsanaa booliska ku eedeysan kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale dowlad goboleedka Wajeer ayaa weerar ka dhacay todobaadkii hore waxaa lagu dilay askar badan oo ka tirsanaa ciidanka maamulka Kenya ee loo yaqaan Ap-da.

Qarax loo adeegsaday Miino oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Konton iyo Khorfa Xaraar ayaa lagu dilay 11 askari.


Al-Shabaab ayaa dhanka kale weeraro ka geysanayay deegaanada Diif Kutulo Maansa iyo Boji.


Dowlad goboleedka Garissa ayaa dhanka kale waxaa ka dhacay weerarkii ugu danbeeyay habeenimadii Axada ee kadib markii kooxda Al-Shabab ay dagaal ku qaadeen ciidan ku sugnaa deegaanka Yumpis oo u dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya kana tirsan degmada Fafi.


Kooxda Al-Shabaab ayaa dhanka kale weeraro uga geystay deegaanada Haluuqo Kulan Bodaay Galmagala Amuuma Haameey iyo Keynta Boni oo dhaca dowlad goboleedka Garissa.



Dhacdooyinkaan ayaa waxaa sidoo kale dhibane u noqday shirkada Isgaarsiinta Safaricom oo dhowr Anteeno looga burburiyay Ismaamulada Mandera Garissa iyo Wajer.

Agaasimaha dhanka xiriirka Isgaarsiinta Booliska Kenya Charles Wahong’o ayaa uga digay ciidanka Amniga Kenya in feejignaan dheeri ah ay ka muujiyaan weeraro hor leh oo ka dhaca deegaanada xaduuda Kenya ay kala leedahay Soomaaliya.


Faallooyin